Jabuuti Oo Shaacisay In 156 Qof Maanta Laga Helay Fayraska Coroonavirus.

dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday kiisas cusub oo cudurka Coronavirus, kuwaasoo gaaraya illaa 156 qof oo laga helay Fayraska COVID-19.

 

Tiradan ayaa Noqoneysa tii ugu badnayd  ee  hal mar mid ka mid ah dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Sidoo kale waxay tirada guud ee cudurka Coronavirus noqoneysa 591 ruux oo Jabuuti oo dhan ah, waxaana tiradan ku jira ajaaniib aan u dhalan dalkaas.

 

 

Illaa iyo hadda labo ruux ayaa u Geeriyooday cudurkan, sida ay Wasaaradda caafimaadka Jabuuti horay ugu dhawaaqday.

 

Cudurka Coronavirus ayaa si Xooggan ugu faafaya dalalka ku yaalla Geeska Afrika, waxaana dalalkaas ay soo rogeen bandow habeenki ah oo lagu hakinayo dhaq dhaqaaqa guud, si looga hortago faafitaanka Coronavirus.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker