Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Wajahan Gobollada Sool iyo Sanaag.

Wefti Balaadhan oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa galabta safar ugu Ambabaxay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Bariga Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa isla maanta ka soo laabtay socdaal uu muddo ugu maqnaa dalalka Jabuuti iyo Kenya, waxaanu socdaalkiisu daarran yahay wacyigelinta Diiwaan-gelinta Qaadashadda Kaadhka Cod-bixinta oo ka bilaamaysa bari Gobolladda Sool iyo Sanaag.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa qayb libaax ka soo qaatay Wacyi-gelinta Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha intii ay ka socotay Diiwaan-gelintu Gobolladda dalka gaar ahaan, Waxaanu socdaal balaadhan ku maray Gobolladda MAROODI-JEEX, Awdal, Salel, Hawd, Saaxil, Saraar, Togdheer iyo Daadmadheedh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker