Ruushka oo ka hadlay hadal ka soo yeeray Biden oo la xiriiray Xamas

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in hadaladii ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee uu Vladimir Putin la barbar dhigay Xamaas u yahay mid aan la aqbali karin.

Biden, oo khudbad ka jeediyay Xafiiska Oval-ka Khamiista, ayaa sheegay in Maraykanku uu ku qasban yahay inuu garab istaago Israa’iil iyo Ukrain oo ka hortagaya Ruushka iyo Xamaas, wuxuuna yiri “ma yeeli karno mana ogolaan doono in argagixisada sida Xamaas iyo daalimiinta sida Putin ay guuleystaan”.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa yiri: “Ma aqbaleyno codka noocaas ah ee la xiriira madaxweynaheena.

Waxa uu sheegay in “hadallada noocaas ah aysan ku habboonayn hoggaamiyeyaasha mas’uulka ah ee dowlad-goboleedyada, oo ay adag tahay in la aqbalo”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker