Xaalada Saldhigyada Somaliland oo Laga Dayriyey

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho + Bartilmaameedka

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay waxyeello kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jabad Geelle ee deegaankaasi, waxaana lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Korontada Ee BECO.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in gaariga ka qarxiyay uu dab qabsaday, isla markaana uu goobta ku buurburay.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo Shirkadda BECO oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo todobaadkan deegaanka Garasbaaley lagula eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaas oo lagu dilay lix kamid ahaa shaqaalaha shirkadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker