Komishinka Dorashoyinka Qaranka SLand way wadanayan hawlmalmedkoda ee Gudomiyaha Xisbiga Wadani ha fahmo sidu u soo gudbin laha wixii tabasho ah. Garyaqan A Ubaxle

Asalamu Aleykum wa raxmatulahi wa barakatu:
Ugu horayn waxan halkan ka salamayaa Bulshada reer Somaliland meel ay jogaanba waxan iyagana si gaara u salamayaa bahda saxaafada Somaliland ee bulshadooda u kala gudbiya wixii muhiim u ah.
Salantasi ka dib waxan halkan idinku soo gudbinayaa arin sharci oo bulshada Somaliland muhiim u ah inay ogadaan kuna saabsan Shaqada Komishinka Dorashoyinka Qaranka iyo hanaanka ay wada shaqayntu uga dhexayso Xisbiyada Qaranka.
Ugu horayn komishinka qaranka Somaliland wuxuu ka kooban yahay 7 Xubnood oo Xisbiyada Qaranku min xubin ku leyihiin xubintasina ay tahay xubinta xisbiga uga masuulka ah ogaanshaha hadii ay jiraan wax khiyaamo ah ama isdaba marin ah oo Komishinku ku kacay iyadoo xubintasi aanay Xisbiga soo magcabay u qaban shaqa gaara oo ka baxsan hawlaha dorashada ee ay Komishinku uga masulka yahay qaranka Somaliland oo dhan.
Xisbiga Wadani wuxuu soo Magcaabay Mudane Abdiraxman Sagal oo ka mida Xubnaha Komishinka Dorashoyinka Qaranka ee ilaa iminka gacanta ku haya shaqadii loo dhaariyey ee ay Qaranka uga masulka ahayeen, mana jiro Qoraal Rasmi ah oo Xisbiga Wadani u qoray Hayadaha ay Khusayso oo uu ku cadeeyeen in ayna ku kalsonayn xubintii ay soo magcowdeen sidaa darteed aanu metalin laga bilaabo xiligaas, sidoo kalena Xubintii Komishinka Dorashoyinka Qaranka kaga midka ahaa Magaca Xisbiga Wadani Mudane Abdiraxman Sagal iskamuu casilin xubinimadii uu Xisbiga kaga masulka ahaa isagoo komishinka ku eedeeyey cadaalad daro ay xisbigiisa kula keceen ama xilgudasho la,aan.
Waxaa iyaguna jira 6 Xubnood oo la shaqeya Komishinka Dorashoyinka Qaranka lana yidhahdo (Task Force) oo metela sadexda xisbi qaranka oo xisbi kastaa 2 Xubnood soo dirtay xubnahaas oo inta badan la socda hawl malmedka (daily activities) ay Komishinku wadaan, sidoo kale maynu arag qoraal rasmi ah oo Xisbiga Wadani ku cadeeyey in uu labadaa xubnood kala noqday kalsonidii uu ku magcawday ee ay hawlaha komishinka ka socda Xisbiga Wadani ugaga masulka ahaayeen, dhinaca kalena maynaan arag meel labadii Xubnood ee Xisbiga Wadani soo magcawday ay ku cadeyeen in ay joojiyeen wada shaqayntii komishinka iyagoo saluugay shaqadoda.
Marka aynu xaqiqsano arimahan oo dhan iyo kuwo kale oo badan oo khuseeya wadashaqaynta komishinka iyo Xisbiyada waxa inoo soo baxaya in aanay wado sharci ah u marin cabashada uu Gudomiyaha Xisbiga Wadani ku sheegay inay bishii March 2018 joojiyeen wada shaqayntii Komishinka Dorashoyinka Qaranka.
Ugu danbayn bulshada Somaliland ee danaynaya in doorashada golayaasha baarlamanka iyo Deegaanku ay qabsoonto si ay u helaan jaaniskii ay isku sharixi lahaayeen waxan u shegayaa in aanay niyad jabin oo ayna u qaadan in doorasho dib inooga dhacayso komishinka Dorashoyinka Qarankuna ay si rasmiya u wadanayaan hawshii qaran ee loo dhaariyey, sidoo kalena Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mundane Muuse Biixi Cabdi uuna faragelin ku samaynayn hawsha ay Komishinku wadaan hadii aanay jirin Cabasho Sharciga waafaqsan oo si wadajir ah la isula qaatay, Madaxda Xisbiga Wadani waxan iyagana u soo jeedinayaa in ayna Muwadiniinta rajada ka qaba inay markooda is sharaxaan aanay marin habaabin oo niyad jebin hadii iyaga xisbi ahaan ay wax saluugeen ama wax ka qabyo yihiina ay u maraan hab sharciga waafaqsan.
We bilaahi towfiiq
Garyaqan Abdiraxman Ali Ubaxle
Hargeysa Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker