Madaxweynaha Cusub Ee Galmudug Oo Magacaabay Xilal Cusub

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa guddoon cusub u magacaabay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa Faarax Cabdi Macallin loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Guriceel, halka Cabdishakuur Axmed Faarax Dhimbil loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga, sidoo kale Cabdirisaaq Cabdullaahi Faarax ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada degmadaas.

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee amniga Galmudug inay la shaqeeyaan guddoonka cusub ee Guriceel, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker