Madaxwayne Ku xigeenka Puntland Oo Hanjaabadii Ugu Cuslayd U Diray Xukuumadda Muuse Biixi

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo saaka hadlal ka jeediyay munaasabadda iidda, ayaa sheegay in Puntland aysan qaadan doonin, nabadda uu ku baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inta Somaliland ay haysato degaanno ka tirsan Puntland.

“Dhulkeennii waa la haystaa, Sanaag baa u dambaysay waa la soo galay, Sool baa ka horraysay, isagoo halkaa jooga Muuse Bixii wuxuu leeyahay nabad baan qaatay, reer Barigu waxay yidhaahdaan aa la tahay, inta uu ku jiro Puntland dalkeenna oo Puntland dalkeeda ku jiro aa latahay baan leeyahay” ayuu yiri Karaash.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in Puntland ay nabad rabto weligeedna doonaysay, balse aanay nabadi suurtoobi Karin ilaa Somaliland ay ku laabato xuduudaheeda “ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso, waxaanu leenahay: xuduudaadii tag, haddaad nabad doonayso” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu u hambalyeeyay taliyaal ciidamadooda kala soo baxay Somaliland oo ku biiray ciidamada Puntland ”waxan u hambalyeynaya, ciidamadii halkaas reer Sanaag ee guusha soo hoyiyay, hambalyo baan leeyahay Ciid wanaagsan”.

Hadalka Axmed Karaash ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay la kala wareegeen maxaabiis lagu kala qabsaday dagaalladii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker