Muwaadin Goobjoog Ahaa Geerida Marxuum Cali Khaliif Galaydh Oo Soo Bandhigay Xogta iyo Xaqiiqadii Uu Goobjoogga U Ahaa

Abdihafid Mohamud haybe oo ah qaraabada Marxuum Cali khaliif Galaydh islamarkaasna joobjoog ka ahaa xaaladda Marxuumka iyo Geeridiisaba ayaa qoraal uu soo dhigay bogga Facebook-ga uu ku leeyahay u dhignaa sidan hoos ku qoran.:–
“Waxaan jeclaystay inaan soo gudbiyo xoggta iyo xaqiiqadii aan goob joogga u ahaa, ee geeridii alle ha u naxariistee professor ali khalif galaydh.
6/October 2020
Sacadyna ay ahayd 1:04pm waxaa la igu soo wargaliyay xanuunka adeero marxuum cali khaliif galaydh
Waxaana la iidoortay inaan la joogo
waxaana la iigu doorta laba arimood
1= inaan ahay xirfadle caafimaad
2 = inaan ahay qoys oo aan xaalkiisa si dhaw ula socon karo,
Waxaa la ii tilmaamay qolka uu daganyahay numberkiisa oo ahaa 304. markaan tagay meeshii waxaan ugu tagay dad ka kooban 11 ruux
1. garaad kulmiye garaad maxamed
2. Dr mukhtaar wasiir k/xigeenka cafimaadka
3. Dr ciid mukhtaar medical director ka hospital ka kaaraamardha
4. Dr mohamed salixa oo isna ka hawlgala dhakhtka karamardha
5. Maxamuud oo isna ah xirfadle caafimaad oo ka hawlgala karamardha
6. Iyo doctor kale oo haysta meel clinic ah oo kutaala aagga jamacada oo ay marxuumka is garanayeen
7. 2 wiil oo iyana kashaqeeya Pharmacyga kuyaala fooqa xasan wali oo saan filayo uu dr mukhtaar leeyahay Iyagana ugu yeedhay say daawada ugu keenaan uu u baahdo.
8. Iyo 2 ruux oo kale oo family ahaan ula joogay marxuumka
Waa eedo luul jaamac iyo adero muxamed(badha-badha) looyaqaan.
• Xaalada guud ee marxuumka
Xalada guud ee marxuumku caadi bay u ekayd marka laga yimaado tamar yaraan ka muuqatay oo sababtiisan uu lahaa fuuqbax uu noo sheegtay oo uu lahaa ilaa 3/October
Markay dhakhaatiirtii baadhitaan ku samaysay, dawooyinkii loo qorayna aanu siinay xalikiisuna caddi ku soonoqday, waxaa mar labaad maamulkii cafimaadku ii doorteen inaan anigu lajoogo, waxana la iraaciyay maxamuud oo aanu nursing wada nahay iyo dr maxamed salixa oo wixii soo darsa aanu la socodsiino.
• Iswaraysigii aniga iyo marxuumka
Marxuumku wuxuu noo soo jeediyay inaanu iska tagno xaalkiisuna caadi yahay, waxaan u sheegay inaan ula joogayo famili ahaan iyo cafimaad ahaan, aniga oo dhawraya labadii balamood ee maamulka cafimaadka iyo maamulka odayaashii isoo wargaliyay iyo waliba dareen kayga oo igu khasbayay inaanan professor cali khaliif galaydh oo buka inaanan ka tagin intaba.
Waan isu sheegay aniga ima garan aabahayna magaran lkin wuxuu gartay awoowgay iyo waliba adeerkay oo dr ahaa wuxuuna igu yidhi mahadsanid oo af-ingiriisa.
Intaas wixii ka danbeeyay waxaan si toosa ula socday xaalikiisa waxaan siinayay dawadii loo qoray waxaan marwalba isha kuhayay macaankiisa, iyo arimo kale oo khaas isaga u ahaa.
• Cuntadiisu xaggay ka imaanaysay?
Cuntadiisu kama imaanayn hotel ka uu daganaa marka laga reebo hal koob oo sharaaba ah waliba isagu noociisa sheegtay.
Waxaa cuntada u keenaysay
Luul jaamac oo ay qoys iyo asxaab intaba ahaayeen siduu isaguba ii sheegay markuu iskaayo barayay.
• Xaalkiisu goormuu ka soo daray?
Wuxuu xaalkiisu ka soo daray 7- October wuxuu yeeshay qufac badan wuxuu yeeshay qandho badan, waxaa khal-khal ku yimid sonkortiisii wuxuu bilaabay inuu qarwo, waxaan warkii u gudbiyay dr kii naga sareeyay waxaa loo qoray sharoobo qufaca ka kaalmaysa wuuna ku roonaaday oo quficii badnaa waa ka dhinmay, waxaa la soo jeediyay in laga qaado dhiicaan si looga baadho coved19.
Waxaan wacay shaqalihii u taba barnaa waxaana yimid mursal oo ka qaaday.
• Maxaa cusbitaal loo gayn waayay?
Waxay dhakhatiirtu soo jeediyeen in la geeyo hospital ka karamardha iyada oo uu waliba wasiir dr mukhtaar sigaara noogu sheegay in meel gaara loo diyaariyay, lkin may suuroobin cudur daarasho xaga ehelka ah awgeed.
Waxaa kale oo odayaasha famligu soo jeediyeen in hargaysa loo qaado kadibna laga sii gudbiyo, taasna marxuumku waa diiday wuxuuna hadalkii ku gaabiyay waan ladanahay meel kalena uma socdo halkan baan joogayaa.
8 – October oo ahayd maalintuu dhiman rabo hamayn keedii wuu sii taag dareeyay, wuxuu gabay inuu suuliga galo, waxaa saldhigan wayday sonkortii, waxaa isu yimid dhakhatiirtii dawlada ee ku qornayd iyo waliba dhakhtarkii kale ee ay is yaqaaneen waxaa loo badalay irbadii hore ee macaanka maamulaysay waxaa la isku dayay wax kasta oo la qaban karay, waxaa loo diyaariyay qaryan dhoodaan (guriga martida) oo uu dadaal galiyay wiil ka socday ONLF saan hadalkiisa ka fahmay, iyo wasiir k/xigeenka hawlaha guud axmed naasir.
Waxaa la soo diyaariyay ambalastii lagu qadilahaa iyada oo hoosta taagan anagana nalaga sugayo inaanu soo dajino buu nafbaxay alle ha unaxariistee.
Sacadu markay ahayd 1:24pm
Anigoo kortaagan 3 dexdaas cashana la joogay.
Waxay ii ahayd geeri aad iigu culus alle dhamaanteen samir ha inaga siiyo isagana ha u naxariisto. Maanta waxa kaliya ee uu inooga baahan yahay baa duco ahe.
Qofkii wuxuusan ogayn mala awaala ama is dhaha qof hebel ama xisbi helab ku xumeena waa isgga iyo allihii iyo maalinka qiyaame.
Dadkii sida gaarka ah u la socday marka laga yimado bahda caafimaadka waxaan xusayaa
Garaad kulmiye garaad maxamed garaad dool
oo wakhti badan nasoo booqday galab aroor iyo guuraba.
Gawadhida iyo garab orodka xukuumaduna waa badnayd dhimashadiisa kadib
Xogtii intaan ka xasuustaa oo allena igu ogyahay waa intaas wixii aan khalday waa naftayda iyo shaydaan.
Waxaan haleelayna waa xaga alle  .”
Abdihafid Mohamud haybe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker