Dukaanka Walmar oo soo saaray Kamarado Aqoonsada Tuugta Waxka Xadaya

Maamulka dukaanka weyn ee alaabada kala duwan laga helo ee Maraykanka kuyaal ee Walmart ayaa Xaqiijiyey in ay adeegsanayaan kaamarooyin aqoonsada hummaagyada, si Tuugta  looga hortago.

Kaamarooyinkan ayaa lagu garan karaa alaabta lagu rito dambiisha lagu dukaamaysto ee qofka maqal hayaha ahi aanu iskaanka marin, ama aan la Xaqiijin.

Walmart ayaa wargayska Business Insider u sheegay in tiknoolajiyaddan cusub loo adeegsan doono dukaamo ka badan 1,000 dukaan.

Shirkadda ayaa sheegtay in “maalgalintan ay u samaysay si loo hubiyo ammaanka dadka macaamiisha u ah”.

Barnaamijkan, oo lagu magacaabo Missed Scan Detection by Walmart, ayaa adeegsanaya barnaamij ay bixisay shariikad  Laga Leeyahay Dalka Ireland  oo lagu magacaabo Everseen.

Kaamarooyinka ayaa dabagal ku samaynaya alaabada iyo dadka sita. Haddii alaabada qaar lagu guro boorso ama bac inta aan la iskaan garayn, qalabkaasi waxa uu awood u leeyahay in uu u yeero qof shaqaalaha ka mid ah si arrintan uu “gacan uga siiyo”.

Sharikaddan ayaa sheegtay – in khasaaraha badeecooyinka ee tuugagu ay sababto uu yaraaday tan iyo markii adeegsiga tiknoolojiyaddan la bilaabay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker