Dowladda Itoobiya oo Ku Hanjabtay inay quwadeeda ciidan oo dhan u adeegsaneyso Jabhada TPLF

Dowlada Itoobiya oo guuldarooyin kasoo gaareen dagaalka ay kula jirtay jabhada TPLF taabacsan ayaa markan ku hanjabtay in awood xad dhaaf ah adeegsan doonto si ay meesha uga saarto qatarta kooxda TPLF.

Ciidamada taabacsan TPLF ayaa wada dagaalo ay ku qabsanayaan deegaano iyo magaalooyin hor leh oo kuyaala gobolka Tigrey iyo gobolada dariska la ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Kooxdan ayaana dooneysa marka ay la wareegto dhul badan in dowlada ku cadaadiso in wadahadal lagu dhameeyo colaada ayna kooxda sii maamusho deegaanada gobolka Tigrey oo marka dowlada awood uga saartay.

Dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaana markan ka digtay suuragalnimada in awoodeeda difaac oo xad dhaaf ah ay kaga hortagi doonto jabhada ka dagaalanta gobolka Tigrey si ay meesha uga saarto qatarteeda.

Bayaan kasoo baxay dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in lagu qasbayo in inay abaabusho oo ay gobolka Tigrey u daadgureyso dhammaan ciidamada qalabka sida si ay talaabo adag uga qaadaan jabhada TPLF.

”TPLF waxay “tijaabinaysaa dulqaadka dawladda federaalka waxayna ku riixaysay inay beddesho go’aankeeda xabad joojinta bani’aadamnimada ee halka dhinac ah”, ayaa lagu yidhi bayaanka dowladda.

Dowlada Itoobiya ayaa horey u hirgalisay xabad joojin hal dhinac ah, waxa ayna dowlada wadaa ciidamo aruursi iyadoona laga yaabo in markale ciidamada federaalka Itoobiya duulaan cusub ku qaadaan gobolka Tigrey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker