Hogaamiyaha Mucaaridka Dalka Venezuela Oo Laga Xayiray Inuu Dalka Ka Baxo

Xeer illaalinta dalka Venezueal ayaa sheegtay inay baaritaan ku bilowday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi Juan Guaido oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha kumeel gaarka ah. Maxkamada Sare ee dalkaasi ayaa sidoo kale loo gudbiyey codsi ah in la xayiro dhamaan illaha dhaqaalaha ee uu leeyahay Juan Guaido inta uu baaritaanka socdo.

Dowladaha Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa taageero u muujiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaido iyo mucaaridka oo ay sheegeen inay u aqoonsan yihiin dowlada rasmiga ah, halka dalalka kale ee caalamka ay taageersan yihiin Madaxweynaha la doortay ee xilka haya, Nicolas Maduro.

Dalalka Maraykanka iyo UK ayaa xayiray in dowlada Maduro ay la baxdo dhaqaalihii iyo Kaydkii Dahabka ee Venezuela u yaalay bangiyada waaweyn ee wadamadaasi.

Maraykanka ayaa si gaar ah u daneenaya Batroolka dalka Venezuela oo ay horey shidaalkiisa usoo saari jireen shirkado Maraykanka laga leeyahay, hase yeeshee dowlada Venezuela ee Hugo Chaves iyo Maduro ayaa mashaariicdaasi heshiisyo kula galay shirkado laga leeyahay Ruushka.

Maduro ayaa isagu wareysi uu shalay siiyey telefishinka dowlada Ruushka sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo mucaaridkiisa balse wuxuu sheegay inuusan aqbali doonin farogelinta Maraykanka uu dalkiisa ku hayo.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Lataliyihiisa Amniga ee dagaalka u ololeeya Bolton ayaa ku goodiyey in ay dhici karto in Maraykanka ciidamo u diro dalka Venezuela. Madaxweyne Maduro ayaa sheegay in Maraykanka hadii uu faro gelin militari kusoo sameeyo dalkiisa ay Maraykanka la kulmi doonaan dagaal ka xun kii ka dhacay dalka Vietnam.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker