Hindia: Xildhibaan Kufsaday Gabadh Yar Oo Xukun Adag Lagu Riday.(Sawiro)

Kuldeep Sengar oo ahaa Xildhibaan horey uga ka tirsanaa xisbiga talada haya ee dalka Hindiya BJP ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu soo eedeyay inuu kufsi u geystay gabadh aan qaan gaadh ahayn.

 

Kufsigan ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu darnaa Sanadihii ugu dambeeyay. Maxkamadda ayaa sidoo kale Kuldeep Sengar oo 51 sano jir ah ku amartay inuu bixiyo lacag mag dhaw ah oo gaadheyso 35000 $ kun oo doolar.

 

Gabadha la kufsaday ayaa waxaa uu dhaawac xun ka soo gaadhay markii la isku dayay in shil gaadhi lagu dilo bishii July ee sannadkan balse way badbaadday.

 

Waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhintay labo Dumara oo Eedo u Ahaa – oo  la safrayay. Dhanka kale waxa uu dhaawac xun shilka ka soo gaadhay qareenkeeda.

 

Maxkamada ayaa ogaatay in gabadhan ay bishii June shaqa u doonatay Mr. Sengar balse la afduubtay ka dibna muddo toddobaad ah ay kufsanayeen isaga iyo rag kale oo saaxiibadiis ahaa.

Kiiskan ayaa ku soo beegmay iyadoo sannadkii la soo dhaafay dalka Hindiya ay gabar yar oo la kufsaday isku dayday iney is disho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker