Diyaarad rakaab ‘ah oo gantaal lagu riday iyadoo loo maleynayo inay Israa’iil leedahay

Diyaarad rakaab ah oo ku duuleysay hawada dalka Suuriya ayaa lagu khasbay inay khadka baddalato ka dib markii uu aad u sigay gantaal lidka diyaaradaha ah oo ay ku rideen ciidanka difaaca hawada ee dalkaas, sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka.

Warbaahinta ruushka oo soo xiganeysay saraakiil dhinaca difaaca ah ayaa sheegtay in diyaaraddaas ay damacsaneyd inay ka caga dhigato magaalada Dimishiq, laakiin ay la kulantay jawaab ay ciidamada cirka ee Suuriya ka bixinayeen duqeymo la sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay aroornimadii Khamiista ka fulinayeen gudaha Suuriya.

Diyaaradda ku sigatay in uu gantaalka ku dhaco, oo uu nooceedu yahay Airbus 320, ayaa si deg deg ah ugu dagtay garoon ay ciidamada cirka ee Ruushka ku leeyihiin magaalada Hmeimim ee waqooyiga-galbeed Suuriya, sida ay wasaaradda shegetay.

In ka badan 172 qof  oo rakaab ah ayaa xilligaas saarnaa diyaaraddan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker