Dawladda Taaliban oo beenisay in Qaramada Midoobay ay wasaaradda u yaboohday lacag dhan 6 milyan

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Afgaanistaan ayaa beenisay warar ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi oo sheegayay in Qaramada Midoobay ay wasaaradda u yaboohday lacag dhan 6 milyan oo dollar si ay u ilaaliso shaqaalaha iyo xarumaha hay’adaha caalamiga ah ee dalkaasi.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee barta Twitter-ka ayaa lagu yiri:
“Wasaaradda arrimaha gudaha ee Afgaanistaan waxay beenisay wararka ay faafisay warbaahintu ee ku saabsan yabooh Qaramada Midoobay oo dhan 6 milyan oo dollar si loo sugo ammaanka. Xarumaheeda iyo shaqaalaheeda Afgaanistaan. Waxay u aragtay inay yihiin kuwo aan run ahayn.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker