Wasiir Bayle oo Bandhigay Cadadka Lacageed ee Ku Baxaya Doorashada Somalia

Doorashada lagu muran sanyahay ee la filayo inay horaanta Sanadkan ka dhacdo Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay in ay ku baxdo lacag malaayiin Dollar ah oo inta badan ay bixin doonaan Wadamada Caalamka ee taageera Soomaaliya.

 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in doorashada dalka ka dhaceysa markii la qiimeeyay lagu qiyaasay lacagta ku baxeysa 40-Milyan oo Dollar.

 

Waxa uu sheegay Wasiirku in lacagtan dowlada Soomaaliya ka bixineyso %10 oo u dhiganta 4-milyan oo Dollar, waxa uuna cadeeyay lacagta kale in ay bixinayaan Wadamada beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

 

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan doorashada ku baxeysa lagu fulin doono howlaha Doorashada,

 

Sida safarada Gudiyada Doorashada,, goobaha ay degayaan, Xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.

 

Wasiir Beyle ayaa cadeeyay in aysan jiri doonin lacagta dowlada in si khaldan loogu adeegsado doorashada,

 

Waxaanuu  xusay in hanaanka maaliyadda ee degsan uusan ogoleyn in hantida dowlada si khalsan loogu adeegsado doorashada.

 

Ugu Dambeyn Wasiirka Maaliaydda Soomaaliya ayaa beeniyay in hay’ado iyo wadamo dowlada Soomaaliya dhaqaalaha ka taageera joojiyeen lacagihii ay dowlada siin jirtay sababo la xidhiidha dooarshada lagu muran sanyahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker