Suurto-gal Ma Tahay In Xilligan Cafis loo Fidiyo Madaxweynihii Hore Ee Kililka Soomaalida Itoobiya ?

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, oo doraad markii saddexaad maxkamad lagu soo taagay magaalada Addis Ababa ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ka codsaday inuu cafis u fidiyo isaga iyo dadka la eedaysanba.

Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in muddo 12 sano ah uu dalkiisa u soo shaqeynayay, haatanna uu mudan yahay in la cafiyo.

Dhageysiga dacwaddiisa ayay mar kale hadana maxkamddu dib u dhigtay.

Maxamed Shariif Cabdi oo ah garyaqaan ayaa BBC-da u sheegay in haataan aanan go’aan laga soo saarin dacwadda loo haysata Cabdi Maxamuud Cumar isla-markaasna uu yahay eedeysane.

Wuxuu yidhi “Nin la xukumay ma aha, ninka dambiyada lagu soo oogay caddeymaheedii intii lagu caddeeyay ay maxkamaddu ay go’aan ka gaadhay ma aha isla-markaana xabsiga loo taxaabay”

Garyaqaanka wuxuu sidoo kale sheegay in cafis loo fidin karo oo kaliya ah marka caddeymaha lagu helo oo ay maxkamadda go’aan gaadho isla-markaana uu isaga soo codsado in la cafiyo isagoo xabsi ku jiro.

“Waa in kiiskii oo dhamaystiran ay keenaan, haddii dacwaddiisa ay bilaabanto, oo dhagaysiga maxkamadda uu bilaabmo oo dabadeedna caddeymihii la keeno, dabadeedna go’aan la qaato, wixii intaa ka dambeeyo ayaa isaga oo xabsi ku jira codsi dalban kara oo cafis kusoo bixi karaa, laakiin hadda iyadoo ayna dhammaan dhagaysiga dacwadda cid cafin karta ma jirto” ayu yidhi garyaqaan Maxamed Shariif Cabdi.

Sida uu sheegay garyaqaanka, dastuurka dalka Itoobiya wuxuu dhigay in qofka aanan la odhan karin dambiile ilaa ay maxkamad ku caddeyso.

Maxamed Shariif wuxuu sheegay in damaanad ku sii deynta qofka ay ku xidhan tahay culeyska dacwadda iyo go’aanka ay maxkamadda ka gaadhi karto.

Muddo 42 maalmood ah ayey xidhnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, iyadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban maalmood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker