Ninka farmaajo iyo kooxda Xamar ka talisa amaanta u dirayaa waa nin ka soo horjeeda jiritaanka somaliland.

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada.

Ka dib waxaan doonayaa in aan wax yar ka idhaahdo kooxo beryahan danbe aadka  u taageersan somaliweyn oo hadana iska dhigaaya in ay somalilanders yahiin
Kooxahan oo magacyo kala duwan wata wax uu midkastaa warbaahinta u adeegsadaa taageerida kooxda muqdisho ka talisa ee uu horboodo nin faashilka ah ee ay ugu yeedhaan madaxweynha somalia balse aan anigu u aqaano hogaamiye kooxeed uu caalamku siiyey title been ah iyi somalia aan jirin oo maqaaer saar ah.
Hadaba waxaa taasi ka sii yaab badan kuwo aan laheyn mabda iyo ujeedo oo hankoodu yahey hunguri iyo wax aan macno laheyn, in ay shaashadaha ,Tv- yada la yimaadaan amaanta cadowga somaliland, arintaasi waa danbi in cadowga dalkan iyo dadkan la amaanaa, macnaheedu waxaa weeye kaasi ayaan la jiraa , nin cadowgaaga la jirana ‘dee  isku mid ma noqonkartaan ee waa cadowgaaga.
Hadaba kooxahan beryahan danbe, aan qarsaneyn duminta iyo hagardaamada somaliland ninba sida uu doono howdhigee waxaad  moodaa in  ay jiraan  dad u  adeegaya  kooxda muqdisho ka dhisan oo doonaya in ay burburiyaan mabda’a iyo waxii ay dadka badan iyo maalka badani darteed u dhinteen.
Ugu danbeyn  kooxda muqdisho iyo farmaajo yaaney ku riyon been iyo  dad dhuuni qaatayaal ah in ay waxyeeli karaan jiritaaanka dalkan iyo dadkan.
Waxaan kale oon fariin u dirayaa warbaahinta laga leeyahey ,somaliland ee farmaajo ugu yeedha madaxweynaha somaliya in ay joojiyaan dacaayadaha iyo taageerada ay, u muujinayaan horjoogaha kooxda muqdisho.
Qore: Tahir hussein.
geesiga244@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker