Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Xog Ku Saabsan Halka Laga Soo Tuuray Hoobiyayashii Lagu Weeraray Xalane.

Muqdisho-(OWN)-Qaramada Midoobay ayaa xog dheeri ah ka bixisay weerarkii hoobiyaasha ahaa ee todobaadkii hore lagu qaaday xarunta xalane oo ay degen yihiin hay’adaha ugu badan ee Qaramada Midoobay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan miino baadhista ee Mine Action ayaa bixisay xogta dheeriga ah ee la xidhiidhta weerarka hoobiyaasha ah, waxaana ay sheegtay in nooca hoobiye ee la deegsaday ay ahaayeen 81mm oo ah nooc lagu sameeyo dalka UK.

Waxaa kaloo hay’adda ay sheegtay inay u eg yihiin nooca M29 oo lagu farsameeyo dalka Mareykanka, kuwaasi oo sababay burburka iyo dhaawaca shaqaalo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Hay’adda Mine Action ayaa sheegtay in hoobiyaasha laga soo tuuray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib markii baadhitaan dheeri ah ay sameeyeen.

Waxaa qoraalka Hay’adda lagu cadeeyay in meel 4.5 KM u jirta xalane kuna beegan degmada Kaxda laga soo tuuray hoobiyaasha kadib baadhitaan dheeri ah oo ay sameeyeen.

Kadib baadhitaan lagu sameeyay hadhaadiga hoobiyaasha ku dhacay xarumaha CPO iyo UNMAS ee xalane ayaa lagu ogaaday nooca hoobiyaasha iyo halka laga soo tuuray hoobiyaashaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker