Kooxda Chelsea oo Guul ku Bilawday Xilli Ciyaareedkan

 

Chelsea ayaa guul weyn kala kulantay  bilawgii xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ay 3-1 ku qaarjiyeen Brighton caawa.

Saxiixooda cusub Timo Werner oo sabab u ahaa mid ka mid ah goolasha ayaa soo bandhigay inuu si sahlan u la qabsan karo kubada Ingariiska halka Kai Havertz uu u baahan yahay waqti uu ku saldhigto.

 

Guushaan ayaa la micno ah in Chelsea ay ku jirto kaalinta 3aad iyagoo 3 dhibcood la wadaaga sideed kooxood oo badiyay kulankii ugu horeeyay xilli ciyaareedka.

Tababare Frank Lampard ayaa kulankaan ku soo bilaabay saxiixyada cusub ee xagaagab Timo Werner iyo Kai Havertz iyagoo ciyaaray kulankoodii ugu horeysay ee Premier League tan iyo markii ay ka soo wareegeen Bundesliga.

 

 

Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta qeybteedii hore ka dib rigoore uu saxiixah xiddiga khadka dhexe Jorginho markii Mat Ryan uu daqiiqadii 21aad qalad ku galay Timo Werner.

 

Xiddiga Jarmalka ayaa wacdarro dhigayay qeybtii hore ee ciyaarta halka kalr Kai Havertz uu u baahnaa waqti uu kooxda kula qabsado.

Laakiin Brighton ayaa lagu doodi karaa inay heshay fursadihii ugu fiicnaa qeybta hore inkastoo ay shabaqa soo taaban waayeen.

 

Waxaa Brighton dhaawac uga baxay dhamaadkii qeybtii hore xiddigii hore ee Liverpool Adan Lallana.

Bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta ayay si waali ah isku bedeshay ciyaarta iyadoo Brighton ay heshay goolka barbaraha daqiiqadii 54aad.

 

Trossard ayaa gool qurux badan dabamariyay goolhaye Kepa oo isku dayay inuu badbaadiyo. Farxada Brighton ma aysan waarin waqti badan Chelsea ayaa hogaanka ku soo noqotay labo daqiiqo ka dib iyadoo uu shabaqa u soo daabtay James.

 

Waa goolkiisii ugu horeysay ee uu ka dhaliyo Premier Leagur isagoo baas uu ka helay Jorginho darbo gantaal ah ku geliyay qeybta kore ee shabaqa ciyaartana ka dhigay 2-1 oo ay Chelsea hogaanka ku heysay.

 

Chelsea halkaas kuma hakanin waxayana sii dheereysteen hogaanka daqiiqadii 66aad iyadoo uu shabaqa u soo taabtay daafaca Kurt Zouma.

Zouma ayaa goolka loo qoray laakiin waxaa goolka ka caawiyay daafaca Brighton Webster kaas oo ka horjoogsaday kubadda inuu badbaadiyo goolhayr Ryan.

 

Brighton ayaa isku dayday ka dib markii laga dhaliyay goolka 3aad inay fursado goolal loo fishsy abuuraan halka ay sidoo kale rigoore ku doodeen.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Chelsea ku dirtay kooxda Brighton.Che

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker