Madaxweynaha Puntland Oo Abaabulaya Qorshe Uu Ku Carqaladeeyo Doorashada Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Xilkiisu dhammaaday ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa lagu soo warramayaa inuu isimada beesha Dhulbahante ee Gobolka Sool ku cadaadinayo in ay hor-istaagaan doorasho ka dhacda Puntland.

Gaas oo Markii hore ay ka go’neyd in uu muddo korodhsi sameeyo ayaa u arkay fursad in odeyaasha Dhulbahante is hortagaan doorashada iyada oo aan la xoreyn magaalada Laascaanood.

Sida ilo xog-ogaal ahi tilmaameen, shir ay ka soo qeyb galeen Isimada, Madaxweyne Cabdiweil Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa Isniintii lagu qabtay madaxtooyada Garoowe halkaas oo odeyaasha lagu cadaadiyey in ay warbaahinta ka sheegaan in aan doorasho la qaban doonin ilaa la qabto Laascaanood.

 

Hase ahaatee, sida ay Caasimadda Online ilow xog ogaal ah ugu warramayaan, isimada wey ku gacan seedheen soo jeedintii Gaas iyo Camey iyaga oo u sheegay in go’aankaas halis galin doono amniga Puntland.

 

Gaas oo hore u abaabulay dagaalka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaraya jiidda hore ee Laascaanood ayaa uga dan lahaa sidii uu ugu carqaladeyn lahaa doorashada la filayo in ay dhacdo horraanta sanadkan fooda inagu soo haya ee 2019-ka.

 

Musharaxiinta madaxweynaha Puntland ayaa horey uga digay isku dayo dhowr ah oo Gaas uu wado, si uu xilka waqti dheeri ah ugu darsado oo u sii joogo.

 

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa muddoba waxa uu doonayay in uu qorsheeyo tallaabo kasta oo uu kaga galgasho doorashada soo socota ee la filayo in ay Gobolkaasi ka qabsoonta isaga oo marar badan carqalad ammaan doonaya in uu galiyo si doorashadu dib ugu dhacdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker