Somaliland oo ka Hadashay Golaha Wasiirada Kenya oo ka Doodaya Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa (OWN)– Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Xidhiidhka Dawladooda  kala dhexeeyo dowladda dalka Kenya. Ugu horreyn wasiirka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dood la sheegay inay todobaadkan golaha Wasiirada Kenya ay ka yeelanayaan Aqoonsiga Somaliland.

 

Wasiir Faratoon ayaa xusay in Kenya ay tahay dal ay daris yihiin, islamarkaana uu kala dhexeeyo xiriir dhinacyo kala duwan leh. “Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xidhiidh dhinacyo badan leh leenahay, wefdiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si la eg wefdiyo ayeynu u dirnay, marka iskaashiga aynu la leenahay weynu sii adkaynaynaa,

 

 

haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay wadamada caalamka. Somaliland ayaa waayadii dambe sameyneysay xidhiidh caalami ah, waxaana ugu dambeeyey midkii ay dhowan la yeelatay jasiirada caanka ah ee Taiwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker