Israa’iil oo weerar ku qaadday Khan Yuunis sheegtayna in ay ku dishay 40 xubnood

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa ka warbixiyay duqeymo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay marinka Qasa.

Wuxuu sheegay in ciidamada IDF ay “si qoto dheer” ay gudaha ugu galeen Khan Younis ayna “ka takhaluseen 40 xubnood oo argagixisiso ah”.

Dhanka badda, Adraee wuxuu sheegay in ciidamada badda Israa’iil ay weerareen goobo ciidan, bakhaarro iyo doomaha badda ee Xamaas ay isticmaalaan.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli dad ka badan toddobaatan qof oo rayid Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqaymihii dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay isla markaana ay gaysteen diyaaradaha Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker