Cabdirashiid Janan oo la sheegay in lasii daayay

Waxaa jira warar sheegaya in lasii daayay wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo toddobaad kahor lagu la’aa magaalada Nairobi.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubbaland, Yuusuf Xuseen Dhuumaal, ayaa xaqiijiyay in lasii daayay Janan oo xalay hoygiisa la geeyay, balse faahfaahin kama uusan bixin cidda sii deysay iyo cidda uu u xirnaa toona.

Xildhibaano ku matala Cabdirashiid Janan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo odeyaal dhaqan ayaa dhowaan baaq la xiriira kiiskan u diray dowladda federaalka, iyaga oo muujinaya walaac iyo tuhun la xiriira sababaha iyo dadka ka dambeyn kara xarrigiisa.

Madaxweynaha Jubalan, Axmed Maxamed Islaam, ayaa isna magaalada Nayroobi dhowaan u joogay sababo la xiriira kiiska iyo baadigoobka Janan.

Cabdirashiid Janan oo horey u ahaa ragga ugu saameyn weyn siyaasada gobolka Gedo ayaa horey loogu xiray Muqdisho oo uu shaqo u tegay isaga oo ahaa wasiirka Amniga Jubbaland, isaga oo markii dambena ka baxsaday xabsiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker