Maxaa Laga Filikaraa , Fadhiga Degdeg Ah . ee Laysugu Yeedhay Xildhibaannada Labada Gole ee Guurtida iyo Baarlamanka SOMALILAND

 

Hargeysa (OWN)- Xoghaynta Labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland ayaa mar dhawayd shaaciyay ogaysiis la isugu yeedhayo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) kaasi oo loogu baaqay in ay Khamiista isugu yimaaddaan fadhi wada jir ah.

Xubin u hadlayay Baarlamanka ayaa warbaahinta u akhriyay warqadda yeedhmada Xildhibaannada labada qal oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ahna ku simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali.

lama oga sababta ka dambaysa yeedhmadan degdegga ah ee fadhiga wada jirka ah loogu baaqay labada aqal ee Wakiillada iyo Guurtidu balse waxa hubaal ah in ay muddoba dalka ka jirto xaalad is marin waa ah oo la xidhiidha doorashooyinka dalka ee la filayay in ay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sannadkan kuwaasi oo aan wali xal laga gaadhin khilaafka u dhaxeeya xisbiyada qaranku halka sidoo kale ay jiraan xaalado ammaan, kuwa abaareed iyo duruufo kala duwan oo dalka haystaa.

Khamiista ayaa loo muddeeyey in fadhigaasi wada jirka ah ay isugu yimaaddaan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanku.

Akhri Warqadda Yeedhmada Xildhibaannada:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker