Muda Xileedkii Labada Aqal Baarlamaanka Somalia oo Maanta Dhamaanday + Khilaafka Jira

Muqdisho (OWN) – Maanta oo Taariikhdu Tahay 27-ka Decemer, waxaana soo dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Soomaaliya, waana afar sano ka hor maalintii la dhaariyay labada aqal oo wadajir ah.

 

27-kii December 2016 ayaa si wadajir ah loo dhaariyay Xildhibaanada Golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu dalka yeeshay laba aqal.

 

Dalku wuxuu galayaa xaalad cusub maadaama aan wali la isku raacin hanaanka Doorasho oo Sax ah ama Laysku Raacsan Yahay.

 

Mana cada xilli la heli doono Baarlamaankii 11-aad ee badali lahaa Kan  wakhtigiisa dhamaaday.

 

Iyadoo ay taasi jirto hadana Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa kalfadhigii ugu dambeeyay sheegay in xildhibaanada ay xilka sii heyn doonaan ilaa maalinta la dhaarinaayo Kuwa Badalaya ee 11-aad.

 

Wuxuu intaas ku daray si Lagaga Hortegayo inaanay Wadanka ka Dhicin Qalalaase Sharci.

 

 

 

Muddo xileedka oo ka dhamaada  Baarlamaanka labada aqal wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu hadheeyay doorashooyinka,

 

Sidoo kalana wali ma aysan ansixin golaha shacabku  miisaaniyadda 2021 oo ay dowladda soo gudbisay.

 

Dhanka kale Baarlamaanka maanta wakhtigiisu dhamaaday  wuxuu ku fashilmay saddex qodob oo muhiim ah: (Dhameystirka dastuurka si afti dadweyne loogu qaado, la xisaabtanka xukuumadda iyo doorasho qof iyo cod ah).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker