Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Urur la sheegay in uu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab.

Wasaaradda arrimaha dibeda dalka Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Liiiska Argagixisada lagu daray Ururka Jamaactu Al Hijra oo sida warbixinta lagu sheegay ka howlgala dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Mareykanka ayaa sheegay in kooxda sanadkii 2008-dii lagu  aas aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ay ka mid yihiin xidhiidh dhaw-na la leeyihii UrurkaAl Shabaab.

Warka ayaa intaa ku daraya in kooxdan gacan Ka geystaan askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaana ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu socdaalaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo.

Mareykanka ayaa talaabadan uu qaaday ku macneeyay in la takooro ururadaasi Argagixisada ah iyo kuwa ku abtirsadaba, islamarkaana laga hor istaago inay soo gaadhaan hanaanka Maaliyadeed ee Mareykanka, sida bayaanka lagu sheegay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker