Somaliland oo ka hadashay Cabdinaasir Muuse oo meydkiisa laga helay guri uu ka degganaa Muqdisho

Xilli warar kala duwan ka soo baxayaan nin ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo meydkiisa laga helay guri uu ka degganaa Muqdish ayaa Somaliland waxaa ay ka soo saartay arrin war kooban.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada jamhuuriyadda Somaliland Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa sheegay in ay go’aan ku gaadheen in si deg deg ah qiimeyn loogu sameyn doono shaqaalaha ka soo jeeda Somaliland ee horrey uga shaqeyn jiray arrimaha hawada isla markaana hadda la shaqeeya dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Warkan kooban ayaa lagu baahiyay barta Facebook ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker