BERBERA markii iigu dambaysay by Amir Bidde

Waxaan rabay dabayaaqadii 1987 inaan dibadda u dhoofo (dhibta dalka ka jirtay darteed), baasboor Somali ah ayaan haystay hase yeeshee dhacay. Haddaad baasboor rabto ama aad rabto inaad cusboonasiiso waa inaad Xamar tagtaa. Sidoo kale haddaad liisan rabto ood Hargaysa deggen tahay waa inaad 2500 km u socdaashaa ugu yaraana 3 usbuuc ku khasaarisaa. waddanku wuu wada xidhixidhan yahay, Xamar mooyaane. Waxaan tegay Xamar si aan baasboorka u soo jadiidiyo. Waxaan tegey xaruntii socdaalka ee ciidanka nabad sugidda ee baasboorada bixisa. Markaan u dhiibay ee la arkay inaan ku dhashay “woqooyi” waa gobolada haatan Somaliland loo yaqaan, ayaa baasboorkii indhaha la igaga dhuftay oo la i yidhi bax waryaa. In loo diido dadka baasboorada ka soo jeeda Somaliland waxay ka mid ahayd cadaadiskii gumaysiga ahaa ee lagu hayay dadka Isaaqa ah. Waxa markaa xafiiska soo galay nin isna rabay in loo cusboonaysiiyo baasboorka, maqlayna qiyaastii erayada cayda ah iyo bahdilaadda la igu sameeyey. Sidaaday ninkii u arkeen ayay ku yaaceen .. Waar waa Salaad.. ilaa kii xafiiska u sarreeyey ayaa ku dhedhegay ninkii. Ninku waa fannaan caana oo u dhashay koonfur oo la yidhaa Salaad Darbi. Baasboorkiisii markay la boodeen ayuu ku yidhi waar wiilkan yarka ahna  baasboorkiisa ku dara. Sidiibaa la iigu jadiidiyey baasboorkii.
Subaxnimadii ku xigtay ayaan bas Hargaysa u bixi jiray oo dhowr caano-maal dhexday ku sii jiraayey soo raacay. Waa bishii kowaad ee 1988. Berbera oo walaalkay Hotel maamule ka ahaa ayaan ku degay, si aan isna u sii gacan mariyo.
Gobolada woqooyi (Somaliland) waxay ku jireen xukun degdeg ah laga soo bilaabo 1961, markii uu dhicisoobay afgembigii ay isku dayeen saraakiisha milateriga qaarkood, ee ka soo jeeday Somaliland inay Somaliland goostaan (xorriyadeedii dib ula soo noqdaan). Markaa laga soo bilaabo waddanka cadaadis xoog ah ayaa lagu hayay. Waxana madaxwayne dhab ah ka ahaa marba jannanka haysta ciidanka qaybta 26aad oo xarunteedu Hargaysa ahayd.
Markaan imid Berbera waa bisha kowaad bilowgeedii 1988. Waxa dalka haysta nin baas oo la odhan jiray Morgan, waana waqtiyadii ugu xumayd ee dadka Isaaqa la gumaadayay, hase yeeshee SNM weli ayna soo gelin. Waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan Berbera ku arkay waxa ka mid ahaa nin shiciba oo gaaban oo foolxun oo lugaynaya oo uu daba socdo nin qori sita oo shan tallaabo ka dambeeya, oo maantoo dhan daba socda. Waxaan dadkii warsaday arrintooda, waxa la ii sheegay in ninkan aragga xun lihi uu yahay Morgan walaalkii, ka qoriga daba sitaana uu u yahay ilaaliye.
Hudheelada Berbera dadka ku jira ee ka buuxaa dhammaantood waa Majeerteen, waa odoyaal ganacsato ah. Shaqsi kale oo loo oggol yahay ma jiro inuu Berbera wax kala soo dego. Wixii Isaaq leeyahayna in la dhaco waaba sharciga dawladda!!
Waxaan ku jiray Hudheelkii ugu waynaa Berbera oo la odhan jiray Berbera Hotel. Habeen habeenada ka mida fiidkii hore ayaa nin sarkaal millateri ah oo hudheelka ku jiray ayaa isagoo qof dumara wata yimid hudheelkii. Inankii joogay miiska qaabilaadda ayaa ku yidhi dumar iyo rag wada socda looma oggola haddaan caddayn guur la wadan. Ninkii wuu xanaaqay: ma anigoo sarkaal ah ayaad sidaa iila hadlaysaa, wuu baxay, koox dhan oo ciidan ah oo wada hubaysan isagoo wata ayuu soo noqday. Inankii ayuu u hanjabay.. annaga iyo (dadkii barxadda fadhiyey) iyo dadkii hor lugaynayey iyo shaqaalihii waan ku soo wada ururray. oo ninkan sarkaalka ah ayaa hanjabaad la qaylinaya (oo Isaaq oo dhan lacnadaya). Intuu na soo jalleecay ayuu si jeesjees ah u yidhi: “Isaaq in la gumaysto ayay moodayaan…taga waryaada.. xunyahow xunku dhalay..”
Inankii laba kala dooro ayaa la yidhi inaan ku gayno xerada milateriga oo halkaa lagugu figeeyo oo lagu garaaco, iyo inaad ninkan iyo wuxuu wato faraha ka qaaddo. Inankii naftiisa ayuu doortay isagoon raalli ka ahayn, ayuu oggolaaday. Markii arrintu dhammaatay ayaan barxaddii iska fadhiistay, waxa ka buuxa odayadii Majeerteen, markaasuu mid yidhi: Waar ninka Isaaq waxa ku samaynayaa waa qoloma?” Markaasaa si qab iyo riyaaq ku jiro (proudly) u yidhaahdeen: Waa nin Majeerteen ah”.
Illeen ciil looma dhinto, habeenkaa ayaa Berbera iigu dambaysay.
Sheekadan waxa iiga sheekeeyey oday la yidhaa Maxamed Yuusuf oo aan sidii dib ugu soo noqon. Habeen dhowayd ayuu daawaday madaxwaynaha Somaliland oo tegey Berbera oo mashaariic ka furayay. Wuxuu daawaday dadka wada faraxsan ee magaaladoodii Berbera jooga iyagoo xor ah oo ciso iyo sharaf ku nool. iyagoo madaxdoo dhan (min maayar ilaa madaxwayne) ay yihiin dadkoodii oo jecel xumaana u quudhayn. Markaasuu sheekadan oo muddaba xasuusteedu dhibasay ka sheekeeyey si dadku u fahmaan qiimaha xorriyaddu ay leedahay.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker