Shirkadda Twitter oo Xanibtay Hambalyo uu Raiisul wasaaraha Slovenia u diray Trump

Twitter-ka waxa astnaan digniin ah saartay farriin uu soo dhigay ra’iisul wasaaraha Slovenia, Janez Jansa, kaas oo u hambalyeeyay Donald Trump, wuxuuna “warbaahinta ku eedeeyay” in ay “xaqiiqada qarinayaan”.

 

 

Shirkadda Twitter-ka waxay farriintaas ku hoos qortay: “Saraakiisha rasmiga ah waxaa suuragal ah in aysan weli ka hadlin tartanka, markii farriintan la soo dhigayay Twitter-ka”.

 

 

Jansa wuxuu si joogto ah uga hadlayay taageerada uu u hayo Trump iyo shuruucdiisa siyaasadeed, tan iyo markii uu qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Slovenia, bishii march ee sannadkan.

 

 

Sidaan horey u sheegnay, codad badan oo laga dhiibtay gobollada muhiimka ah ayaa weli la tirinin, sidoo kalena Trump iyo Biden, midkoodna ma sheegan karo guul xilligan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker