Waa Maxay Awooda Distoorku Siiyey Xisbiyada?

Waxa aan goor walba maqlaa saddex dhadhaar oo is Kaaba ayaynu leenahay oo kala ah:
Xukuumadda (executive)
Baarlamanka (legislative)
Garsoorka (judiciary)

Waxa aan fahmi waayay xisbiyadu halkay ka soo galaan nidaamka talada dalka. Waxaan moodayay in ay shaqadoodu ku egtahay marka ay soo xullayaan cidda ku matalays baarlamaanka ama murashax madaxweynenimo. Waxa muuqata in ay ka awood badan yihiin dadkii la soo doortay oo ay leeyihiin (Veto Power). Bal u fiirso arrimahan dhacaya: Guddomiyihii xisbiga waddani oo si cad u diidan go’aankii barlamaanka ee shacabka matalayay. Waxa aan jeclaan lahaa in la iga jahli saaro oo la ii sharraxo awoodaha distoorku siinayo madaxda xisbiyada waayo waxaad moodaa in aynu leenahay 7 dhadhaar (saddexda kor ku xusan saddexda guddomiye xisbi iyo madaxweyne.

Thank you
Dr. Aden Ismail
Canada

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker