Xerada Jeniin: Ciidamada Israa’iil oo god dhulka hoostiisa ah ka helay hub

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen god dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jenin oo lagu keydin jiray walxaha qarxa.

Ciidamadu waxay sidoo kale burburiyeen “laba qol oo ay lahaayeen ururro “argagixiso”, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Ciidamada Difaaca Israa’iil, Booliska Xuduudaha Israa’iil iyo hay’adda amniga Shin Bet.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in askartu ay sidoo kale ka heleen godka bam-gacmeed, oo ay weheliyaan qalab ciidan iyo hub, gudaha deegaanka Jenin.

Godka la sheegay in laga helay hubka
Gudaha xerada Jeniin
Ciidamada ayaa burburiyay qolal ku yaallay halka hubka laga helay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker