Markii ay sawirka baadari caan ah jeex-jeexday fanaanaddii shalay geeriyootay Sinéad O’Connor

Fanaanadda Sinéad O’Conno, oo u dhalatay dhalatay Ireland ee shalay geeriyootay ayaa fal ay hore u sameysay kala kulantay dhaleeceyn kala duwan.

Sanadkii 1992-dii, ayaa waxay jeex-jeexday sawirka baadari caan ahaa oo lagu magacaabo Pope John Paul II, xili ay si toos ah hees ugu qaadeysay telefishanka Saturday Night Live oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Markii ay heesta qaadday kaddib, ayaa waxay la soo baxday sawirka baadariga, kaddibna way jeexjeexday iyadoo leh “la dagaal cadowga dhabta ah”.

Sababta ayaa lagu sheegay inay tahay inay uga soo horjeedo xadgub galmo oo ay sheegtay in carruur loogu geystay kaniisadaha katooliga.

O’Connor waxay 2018 qaadatay diinta islaamka, waxaana ashahaadada u laqimay Sheekh Cumar Al-Qadri, magaceedana waxay u beddeshay Shuhada Davitt.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker