MADAXWEYNE ISKU SHAANDHEYNTA WAAD KU FASHILANTEY EE WAX UMMADU KAA AQBASHO KEEN !

Ugu horeyn waxaan salaamayaa ummada reer somaliland guud ahaan.

Ka dib waxaan la wada soconaa xukumadii uu dhisay madaxweynaha somaliland ee muuse biixi cabdi anigu waxaan ka mid ahaa taageerayaashii madaxweynaha balse ilaa iyo intii uu dhisay golahan wasiirada anigu aad iyo aad ayaan u saluugsanaa.

Sababtoo ah dadka uu u xushay mansabyadu inta badan maahan dad u qalma wasiirada sida weyn u dhaawacey xukumadiisa ee bulshada dhexdeeda ku fashilmey ee maanta la eegaaye in uu isbadal ku sameyo waxaa ka mid ahaa.

1 wasiirka warfaafinta fashil

2 wasiirkan arrimaha dibada ooy aheyd in uu dibada ka dhigo xukumada maadaama uu in badan wasiir ahaa

3 wasiirka arrimaha gudaha oo ku fashilmay siyaasadii arrimaha gudaha

Mareeyaha duulista hawada oo xilkaasi ku fashilmay

4 gudoomiyaha kaydka raashinka oon xilkaasi sinaba istaahil ugu aheyn

5 wasiirkan tacliinta eed hadana u badashey arrimaha dibada waxaa saaran calaamatul suaal?
Waxa uu soo kordhin doono.

Hadaba anigoo in badan taageersanaa siyaasadaad waxaan maanta kuu arkaa in aad guud ahaanba faashil ku tahey siyaasada dalka waxan kuu soo jeedinayaa hadaanad siyaasadan badalin in aad iska casisho xilkan ood ku baaqdo doorashooyin degdeg ah ood waliba. Furto xisbiyo cusub.

Qore: Tahir hussein

ETHIOPA -ADDIS ABABA.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker