Kulan Gaar Ah Oo Burco Ku Dhex Marra Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Inkastoo aanney Meel Dheer Jirin Masaaliixda iyo Tanaasulka Siyaasiga ahi, ee ay had iyo Jeer Wadahadalka iyo Kulamada Gaarka ah Ku Dhamaysataan Siyaasiyiinta Somaliland, Waxey dhacdey Marar badan oo Hore, taas oo lagaga Faraxshey Khilaafyo Siyaasadeed oo Shacabku si adag ugu dhegtaagayey.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa, labadooduba Caawa Ku Bariisanayaan Magaalada Burco Kadib Markii uu Maanta Gaadhay Madaxweynaha iyo Wafti uu Hogaaminayey, halka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe’na Shaley Galab Caraabo Ku Tagey Burco.
Haddaba Sida uu Sheegay, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe Saaxiibtinmadii u Dhexaysay isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi, Waxey aheyd Mid Fac Weyn oo Ku Xidhiidhsan Waayihii Dureed ilaa Xiligii Madaxweynuhu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye haseyeeshee, uu Banaanka Ka joogay Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, Waxaannu Hadalka Faysal duurxul u ahaa innaaney Marnaba Isku Soo dhawaan Isaga iyo Saaxiibkii Tan, iyo intii uu Muuse Biixi la Wareegay Talada Dalka Somaliland, xaaladaasi oo ah Tan Faysal Wali Fajacisada iyo Layaabka ku ah.
Sikasta, oo ay Tahey inkastoo oo Dad badani aaminsan Yihiin in Madaxweyne Muuse Biixi, had iyo Jeer Soo Dhaweeyo Hadaladda Gudoomiyaha Ucid Sababo badan, oo ah Innuu Taageero Ku helo, haddana Waxa ay Dad badani Mala Awaalayaan innaaney Heshiisyada Maxsuulka Siyaasiga ahi Meel Dheer Jirrin, islmarkaana, La Saadaalinayo in Labada Odey Kulan Gaar ah Ku Qabsan Karraan Burco Kaas oo ay Wax Iskula Meel Dhigayaan Si Khilaafka Siyaasiga ah loo Fufuro, Iyaddoo ay hore u Jirtey in ay Marar badan Kulmeen M Muuse iyo G Faysal iyaggoo aan Gaar aheyn, Laakiin Kulanku ahaa Mid Loo Dhamaa.
Ugu Dambayn Kulan Gaar ah oo Burco Ku Dhex Marra Madaxweyne Muuse Biixi iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Maxey Ka Badeli Kartaa Khilaafka Siyaasiga ah ee Wakhti Xaadirkan Ka Taagan Somaliland?.
Xigasho Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker