Dab weyn oo Qabsaday Guri ku yaala xaafada Xero-awr ee magaalada Hargeysa

Dab weyn oo Qabsaday Guri ku yaala xaafada Xero-awr ee magaalada Hargeysa ayaa ciidamada Dab-demiska caasimada Hargeysa ku guuleysteen inay xakameeyaan dabkaas.

Dabkan oo ahaa dab laxaad leh ayaa ku fidiyay guryihii kale ee ka dhawaa goobtaas, waxaana ciidamadu dabkaa ku hakiyeen halkii uu ka bilaabmay.

Ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ahaa, sababta dabkaa dhalisayna waxaa gacanta ku haya ciidanka Baadhista ee Booliska.


Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaa goobjoog ahaa, ciidamadana ku hogaaminayay daminta dabkaas, iyadoo taliyuhu aanu marnaba ka dhex bixin intii hawlgalku socday. Sidoo kale saraakiisha iyo ciidankii hawlgalkaa fulinyay ayaa iyaguna dhankooda sameeyay naf-hur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker