Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Kulan la qaatay La Taliyaha Siyaasadda ee Wakiilka Midawga Yurub ee Geeska Afrika Iyo Badda Cas Ms Signe Fischer.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa kulan la qaatay La Taliyaha Siyaasadda ee Wakiilka Midawga Yurub ee Geeska Afrika iyo Badda Cas (Politacal Advisor to European Union Special Representative to Horn of Africa and Red Sea Ms Signe Fischer.).
Kulan waxaa lagaga wada hadlay Amniga Mandaqada Geeska Africa, xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midawga iyo Iskaashiga labada dhinac.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu waramay weftiga horuumarka Ka socda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xidhiidhka ka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo wadamada Jaarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker