Salaadiintii Reer Somaliland Ee Garoowe Tagay Oo Waji-gabax La Kulmay Markii Dawladda Puntland Iyo Isimadoodu Diideen Inay La Kulmaan

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa tibaaxaya in maamulka Garoowe iyo madax-dhaqameedka Deegaankaasi diideen oo gaashaanka ku dhufteen in ay wax wada hadal ah la yeeshaaan odayaal iyo ganacsato reer Somaliland ah oo dhawaaan Magaalada Garoowe u tagay sida ay sheegeen waanwaan ay ka galaan colaadda Puntland iyo Somaliland u dhaxaysa.

 

Ilo-wareedyo u dhuun daloola odayaashaasi oo u badnaa salaadiin iyo dhawr xubnood oo ganacsato ah ayaa noo xaqiijiyey in lagu war geliyey in ay isaga tagaan Garoowe xukuumadda maamulkaasina aanay wax wada hadal ah kala galayn arrimaha ay u socdaan taasi oo waji gabax weyn ku noqotay odayaasha is-xilqaamay ee la sheegay in ay dhawaan ka dageen Garoowe kuwaasi oo u badnaa salaadiin ka soo jeeda Beelaha Bariga Burco.

Odayaashan oo ka kala kicitimay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco waxa la sheegay in ay ka koobnaayeen tiraba Afar suldaan iyo dhawr nin oo Ganacsato ah kuwaasi oo tagitaankooda uun lagu war helay dhawaan balse aan la ogayn cidda u dirtay ee ay wakiilka ka ahaayeen ka xukuumad ahaan iyo ka oday dhaqameed ahaanba taasi oo ugu dambayn ku soo dhammaatay in odayaashaasi laga soo diido dhinaca Puntland oo shalay wararka naga soo gaadhay noo xaqiijiyeen in odayaashaasi lagu amray in ay iska noqdaan oo ku soo laabtaan dhinacan iyo Somaliland.

 

Warbaahinta Puntland ee maxaliga ah ayaa shalay daabacday in ay salaadiintan iyo xubnaha kale ee la socdayba ay dorraad la kulmeen oday dhaqameedka Puntland qaar ka mid ah oo ay ka mid ahaayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Saciid Maxamed Garaase oo isagu ah suldaanka Beesha Warsangeli ee Somaliland. kulankaasina la sheegay in uu ku dhamaaday natiijo la’aan kadib markii Madax dhaqameedkaasi ku wargaliyeen odayaasha Somaliland ka tagay in aanay wax gorgortan ah kala galayn cidna arrinta Sool oo ay sheegeen in ay u taallo dawladda Puntland oo ay ku taageersan yihiin in ay difaacdo sida ay hadalka u dhigeen.

Salaadiinta safatka ku tagtay Puntland ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen:

Suldaan Maxamuud Guuleed

Suldaankii Maxamuud Xaaji Xuseen

Suldaanka beesha Sanbuur

Iyo xubno Ganacsato ah oo ay ku jiraan kuwo reer Hargeysa ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker