Wadamada Iiraan, Ruushka Iyo Shiine Oo Dhoola Tus Milatari Wadajir Ugu Qabanaya Gacanka Khaliijka

Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Iiraan Admiral Xuseen Khanzadi ayaa sheegay in Iiraan ay qaban doonto dhoolatus Milatari oo ay kala qeyb qaadanayaan Wadamada Ruushka iyo Shiinaha.

Khanzadi ayaa ku dhawaaqay Arintan kadib kulan uu la qaatay taliye ku Xigeenka ciidanka Badda Shiinaha Janaraal Shao Yuanming.

Dhoolatuskan oo loogu magac daray ilaalinta Badda ayaa dhici doonaa 27-da bishan December.

Labada Sarkaal ayaa dhanka kale isla soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in si Wadajir ah ay uga qeyb qaataan sugida amniga badda.

Dhoolatuskan Hormuudka ay ka tahay Iiraan ayaa ku soo aadaya iyadoo bilihii la soo dhaafay xiisadi ka aloosanayd Xeebaha gacanka Khaliijka .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker