Coldoon!!

Cabdimalik muuse Coldoon waa muwaadin dalka xaq iyo xuquuq ku leh , waana nin samafale ah , dad badan oo maskiin ahna wax u qabtay ama taakuleeyay taas oo aanay weli qaban in badan oo ka mid ah siyaasiin badan oo leh damac hugaamineed ama kuwa hada xilalka haya .

Xirfadiisa suxufinimo waa mid inta badan diirada lagu saaro wax dalka iyo dadka dani ugu jirto marka laga reebo inta yar ee jecel musuqa iyo maalka dadka.

Sidoo kale Abdimaalik waa qof bini Aadam ah wuuna khaldami karaa , laga soo caban karaa ama wax loo sheegan karaa , balse hadii la eegayo dastuurka iyo sharciyada umaddu dhigtay waa in si sax ah wax kasta loo maraa wadadeeda iyo wakhtigeeda .

Tusaale ahaan qofka cidii ka dacwoonaysaa waa in ay tagtaa maxkamad oo laga soo dacweeyaa kadibna qofka dacwadaa loo geeyaa xili macquul ah oo aan dhib loo gaysan hantidiisa , Famligiisa iyo naftiisa toona.

Balse in gurigiisa loo dhaco , hantidiisa la burburiyo , naftiisana wax la yeelaa waa bahalnimo iyo qaabkii jabhadnimad , waxaana waajib ku noqonaysa qofka in uu is difaaco waa wadad keliya ee u furan.

30 sano kadib hadii aynaan sharciga dhankiisa ka korin , xaga aqoonta ka korin , Aqoonsi ku waynay , Nidaam sax ah oo bulshada inta badan raali ka noqotay dhisan waynay , Cadaalad iyo cadaalad daradu inoo kala soocnaan wayday ma garan karo halka uu inoo wado wakhtigu!.

Ugu danbayn waxaan alle ka baryaaya doonta ay wada saaranyihiin 4 million oo dadkaygii dhamaan ah oo aan wada jecelahay dhamaantood , in rabi mugdiga iyo mawjadaha ka badbaadiyo .

Alla mahad leh.
Kayse Abdillahi Dhisaaye

dhisaaye122@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker