Taageerayaashii Cabdiraxmaan Cirro u codeeyey oo Madaxweyne Biixi ballan-qaad iyo Mahad-naq Isugu daray

 

Go’da-weyn (OWN)- Odayaasha, Waxgaradka iyo Dadweynaha ku dhaqan degmada Go’da weyn oo ka mid ah meelihii aadka looga taageeray Xisbiga Waddani doorashadii madaxtooyada ee 2017-kii, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uga mahad-naqay xilka uu u dhiibay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Maxamed Xasan Dirir oo ay sheegeen inay aad ugu farxeen markii uu Madaxweynuhu xilkaas u magacaabay.

Dadweynaha iyo Odayaasha Go’ada-weyn oo soo dhaweeyey Agaasime Maxamed Xasan Dirir oo booqasho ku tegay degmadaas, ayaa ballan-qaaday inay codkooda siiyaan doorashada soo socota Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana waxay u soo jeediyeen inuu ka shaqeeyo horumarka degmadaas oo ay tilmaameen inuu wax fiican oo adeegyada bulshada ah ka hirgeliyey Maxamed Xasan Diriri isagoon xil haynin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker