Xoghaya Guud ee Gaashaan-buurta NATO Oo Difaacday Weerarka Turkiga Ee Syria.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa difaacay howlgalada milatari ee Turkiga, Waxana uu tilmaamay in loo baahan yahay in laga taxadiro in la dhaawaco isbahaysiga NATO ee lagu midaysan yahay ee ka dhanka ah ISIL.

Kala qeybsanaantan ka dhex qaraxday NATO ayaa soo ifbaxday kadib markii xubin ka tirsan NATO oo Turkey ah ay weerar ku qaaday waqooyiga Suuriya, iyadoo dowladaha EU ee ay Turkiga Xulafada ku yihiin NATO ay ku hanjabeen cunaqabateyn ka dhan ah Ankara.

Stoltenberg wuxuu booqday Istanbul jimcihii.

Stoltenberg ayaa yidhi “Ma ahan inaan Khatar galino Ishanaysigeena Guulaha muuqda ka gaadhay cadawga kaliya ee aan wadaagno ee ah Daacish” sidana waxa uu ka sheegay Xoghaye Stoltenberg fadhi ay lahaayeen baarlamaanka NATO oo ka dhacay London, isagoo ka jawaaabayay su’aalo ay waydiiyeen ergooyinka Faransiiska iyo Talyaani oo weerarada Turkiga ee Suuriya ka soo horjeetay

“Turkiga waa xubin muhiim ah oo NATO ka tirsan…. Hadii la is barbartaagi waayo ama la yarayn waayo cadaadiska lagu hayo waxaan halis galinaynaa midnimada Isbahaysiga NATO iyo dagaalka ka dhanka ah Daesh [ISIL].” ayuu yidhi Mr Stoltenberg

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker