Soomaaliya Oo 60 Kiis Convid19 Laga Helay, Madaxweyne Farmaajo Amar Bixiyey

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah 24kii saac ee ugu dambeysay. Xaaladaha cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.

 

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aanay jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker