Kadib muddo 36 cisho ah oo ay xirneyd wariye Bushaaro Baanday oo markii ugu horreysay lasoo bandhigay eedaha loo haysto

Waxaa maanta markii 6-aad maxkamadda ka soo hor muuqatay wariye Bushaaro Cali Maxamed (Busharo Baanday) oo muddooyinkii u dambeeyay ku xirnayd xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, iyadoo xeer ilaalintuna si rasmi ah u shaacisay eedaha loo haysto wariyaha.

Waxay sidoo kale xeer ilaalintu soo bandhigtay eedo loo haysto wariyeyaal kale oo la sheegay inaysan ku sugnayn gudaha Somaliland.

Muddo 36 cisho oo ay xirneyd ayey Bushaaro ku xirantahay Somaliland iyadoo maxkamadda maanta lasoo taagay ay kaga duwaneyd kuwii hore in kiiska lagu haysto uu horyaallay maxkamadda.

Qareenkeeda ayaa sheegay in Bushaaro eedaha loo hasyto ay yihiin saddeex eedeedood oo ay kamid yihiin howlo lid ku ah Somaliland iyo faafin warar been abuur ah oo la sheegay in ay Somaliland saameyn ku yeelan karto.

Eedaha loosoo jeediyay ayaa qaarkood waxaa kale oo lagusoo oogay wariyeyaal kale oo Somaliland bannaanka uga maqan.

Dhageysiga dacwadda ayaa xigi doona soo bandhigista eedaha loo haysto wariye Bushaaro Baanday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker