Dawladda Soomaaliya oo Been Abuur Ku sheegtay War lagu baahiyay Warbaahinta dalka Kenya

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa maanta  qoray in uu socdo qorshe la doonayo in Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku qeybsadaan lacagta lagu iibiyo saliida iyo gaaska laga soo saaro biyaha badda ee labada dal isku heestaan.

Sida uu qoray Wargeyska The Star dowlada Qadar ayaa wada dadaalo lagu heshiisiinayo Soomaaliya iyo Kenya si xal looga gaadho khilaafka badda labada dal u dhaxeeya una qeyb sadaan lacagta kasoo baxda saliida iyo gaaska laga soo saaro biyaha lagu muran sanyahay.

Agaasimaha Villa Soomaaliya ee xukuumada Soomaaliya  Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warkan lagu qoray Warbaahinta Kenya ku tilmaamay kuwa aan jirin, waxa uuna xusay in Kenya markii uu fashilmay damaceedii ahaa in biyaha Soomaalida qaadato hadana la timid qorshe kale.

”Markii Dowladd Kenya ay u shaqeyn wayday damacii waalnaa ee ahaa annagaa iska leh badda, hadda waxay shacabkeeda u diyaarinaysaa inay ka tirtirto cajaladdaas, kuna maaweeliso dheefta ayaan wax ku leenahay haddii dacwadda nalooga adkaado.” ayuu yidhi Cabdinuur Maxamed.

 

Dowlada Qadar ayaa dhawaan ku guuleesatay in ay soo celiso xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya kadib dhax dhaxaadin ay labada dal ka sameesay, waxaana la sheegay in Qadar hadana dooneysa in arinta kiiska badda labada dal kawada hadlaan.

Xukuumada Soomaaliya ayaa marar badan ku cel celisay in aanay  wax wada hadal ah ka galeyn kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Kenya , waxa ayna dowlada soomaaliya  sheegtay in ay ku kalsoon tahay go’aanka Maxkamada caalamiga ee ICJ ee dacwada la geeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker