Arin Naxdin Leh ee ay Muslimiinta Kanada aadka u hadal hayaan

Dad ku cibaadaysanayay masaajid ku yaala dalka Kanada ayaa xakameeyay nin la sheegay in uu faas watay oo uu ku weeraray Masaajid kuyaala dalka Kanada salaadii subax ee shalay oo Sabti aheyd, sida ay booliisku sheegeen.

Ninkan oo 24 jir ayay boolisku ka xireen goobta.

Booliska ayay arrintan u suura gashay, kadib markii mid kamid ah jamaacadii halkaa ku tukaneysay uu kahortagay ninkan, faaska uwatayna uu ka qaaday kadibna gacmaha kahaayay ilaa ay Boolisku uga imaanayeen, sidaana lagu xidhay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Imaamka Masaajidkaasi ,qaar kamid ah dadkii halkaa ku cibaadeysanayay ayay dhaawacyo fudfud soo gaareen.

Dhacdadan ayaa waxaa ilaa hadda ka hadlay Rai’sul wasaaraha Kanada Justin Tredue wuxuuna aad u maanay sida geesinimada leh ee ninkan weerarka soo qaaday looga horagtagay , wuuxuna sheegay in arintan aysan ka turjumeynin dhaqanka Dadka ree Kanada aadna uu uga xun yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker