Jose Mourinho Oo Talo Muhiim Ah Siiyey Tottenham Ka Hor Kulanka Manchester City Ee Maanta

 

 

 

 

 

 

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay ciyaarta ay maanta ku ballansan yihiin Manchester City iyo Tottenham, kuwaas oo saddex maalmood ka hor kusoo kala calaf-qaaday Champions League oo Spurs ay libinta la hoyatay.

 

Man City oo isku dayaysa inay difaacato horyaalka Premier League oo xili ciyaareedkii hore ay ku guuleysatay, ayaa waxa ay halgan adag ku wada jiraan Liverpool, laakiin Jose Mourinho waxa uu dareensan yahay in City ay haysato fursad ay kaga aarsan karto Spurs oo kasoo reebtay Champions League.

Special One waxa uu uga digay tababaraha Mauricio Pochettino inuu fudaydsado ciyaartan oo uu kasii fikiro Champions League oo ay semi-finalka wada ciyaari doonaan Ajax.

“Haddii qof kastaa uu filayey in wax badan dhacaan kaddib kulankii City-Tottenham, wax badan ayaad haysaan! Hadda duruufuhu way ka duwan yihiin, sababtoo ah City waxay u baahan tahay inay hoggaanka sare ee horyaalka joogto.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho oo u warramayay warbaahinta Russia Today.

“Aynu eegno sida City uga falceliso xaaladdan kaddib ka hadhitaankii Champions League. Haddii aan si daacad ah u hadlo, waxay ila tahay in sida ugu wanaagsan ee ay kaga falcelin karaan ay tahay ciyaartan weyn. Marka aad murugaysan tahay, niyad-jabsan tahay ee aad ku dawakhsan tahay kubadda cagta, shayga ugu wanaagsan waa inaad yeelato ciyaar weyn. Waxay ila tahay, City waxay labada ciyaaarood ee soo socda la yeelanaysaa Tottenham oo hoygeeda ugu imanaysa iyo Old Trafford oo ay Manchester United ugu tegayso kulanka xiga. Tani waa ciyaar u weyn iyaga.” Ayuu ku daray.

 

 

Intaas kaddib tababare Mourinho waxa uu digniin iyo talo wada socda siiyey Tottenham, waxaanu yidhi: “Tottenham waxay u baahan tahay dhibco si ay afarta sare ugu dhamaysato. Ilama aha inay khamaari karayaan oo ay u fikiri karayaan iyagoo leh ‘waxaanu doonaynaa inaanu ku guuleysano Champions League oo aanu sidaas uyguu soo baxno Champions League’. Waa inay taxadar yeeshaan oo ay afarta ugu sarreeya ku dhamaystaan. Markaa wali waxbay u baahan yihiin, haddii ay wax ka helaan ciyaartana muhiim ayay u noqon doontaa.”

Si kastaba ha ahaatee, Tottenham ayaa u baahan guul ciyaarta maanta si ay uga sii mid ahaato afarta sare, laakiin haddii laga badiyo, waxay u degi kartaa kaalinta lixaad, halka City ay guul ugu laaban karto hoggaanka horyaalka oo ay  kala wareegi doonto Liverpool oo laba dhibcood ka horreysa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker