Salaadiin Soo Dhaweeyay Hawgalka Ciidanka Booliska JSL Ee La Dagaalanka Maandooriyaha.

Salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta soo dhaweeyey hawlgalka Ciidanka Boolisku ku cidhibtirayo xakamaynta Maandooriyaha Khamriga.

 

Salaadiin shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Saraakiisha Booliska ee dedaal weyn u galay sidii ay dalka uga xakamayn lahaayeen Khamriga iyo mukhaadaraadka, waxaanay soo dhaweeyeen hawlgalkii ay ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen shixnad aad u badan oo Khamri ah oo lagu soo qariyey jawaanada jaadka.

 

Salaadiintaas waxa ka mid ahaa Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Suldaan Axmed Aw Cali iyo Suldaan Abusuufiyaan, waxaanay soo jeediyeen in kooxdii Khamrigaas soo qabatay la maamuuso oo madaxda dalku u samayso kulan dhiirigelin ah.

 

Salaadiintu waxay Booliska ku ammaaneen inay u soo jeediyeen inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan oo ay dalka ka cidhibtiraan maandooreyayaasha halis ku haya dhalinyarada iyo guud ahaan bulsho-weynta reer Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker