Ciidamada Israeli Oo Burburiyay Dhisme Ay Leeyihiin Falastiiniyiintu..

Ciidamada Israeli ayaa dumiyay Guri dhismo deegaan oo ay leedahay haweeneey caan ah oo ka mid ah kooxaha  u dhaq-dhaqaaqa dadka reer Falastin .

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Latifa Abu Hmeid ayaa la sheegay in 6-wiil oo ay dhashay ay ka mid yihiin dadka ku jira xabsiyada Israeli .

Dhismahaasi la burburiyay oo ku yiillay agagaarka xero qaxooti oo lagu magacaabo Amari ,kuna taalla magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed,ayaa yimid xilli ciidamo Israeli ay shalay hareereeyeen Gurigaasi,isla markaana ay bilaabeen in ay dumiyaan.

Israel ayaa ku eedeeysay mid ka mid ah wiilasha ay dhashay  Abu Hmeid in  bishii  May uu dilay Askari Yuhuud ah .

Ugu yaraan 56 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay isu soo bax ashtako ah oo looga horjeeday duminta Gurigaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker