Somaliland: Ama Wado Cusub, Ama Mid La Hagaajiyey, Waa Horumar.

Wakiilka Somaliland u jooga dalka Cimaraadka, Xasan Yasiin Hirad, oo aad moodid in uu xafiiska uu hayaa ka awood badnaaday baa yidhi ” Jidka Berbera ilaa Wajaale ee loo yaqaano “Berbera Corridor” ma noqonoyo mid cusub ee waa ka jira oo la balaadhiyey, oo dib habeyn lagu sameeyay”.
 Wakiil, si kastaba ha noqotee, sow horumar uun ma aha? Hadaba, soo baro sida diblomaasigu hadalka u sheego. Labadii Madaxweyne, Wasiirkii Gaadiidka iyo Asxaabtii ka socotay Cimaraadka ayaad beenaalayaal ku tilmaantay.
 Tamartaadu ma waxay noqotay mar aad keentid niman wax ugaadhsanaya, iyo mar aad madaxdii dalka hadalkoodii jar ka tuurtid? Horta yaa wakiil kaa dhigay? Maxaad soo baratay, oo xaggee hore baad diblomaasi uga soo shaqeysay? Ma aqoon iyo xirfadbaad ku joogtaa a meesha, mise ehelnimmo?
Saxiib, dalka wixii horumar u ah laguma istaago, ee kor baa loo qaadaa. Jidka haddii la balaadhiyo, oo dib u habeyn lagu sameeyo, sow Jid cusub ma aha? Ma kii horebaa  mise waa mid cusub? Toddoba biiriij oo cusub baa la dhisayaa, waax cusub oo ilaa Hargeysa gaadhasa baa lagu darayaa, dhaqaalaha iyo ganacsiga seddexda dhinac buu kordhinayaa. Shaqooyin cusub buu abuurayaa. Intaas oo dhan maxaa kuu diiday inaad tidhaahdid?
Waar meesha soo dhaaf, Somaliland cid hawsha qabanaysa ma waayin.
Allaa Mahad Leh
Axmed Kheyre
ruraledcomm44@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker