Golaha Wakiillada Oo Cod Aqlabad Ah Ku Lalaalay Kootadii Shirkadda Somcable Loogu Xidhay Xadhiga Internetka Ee Viber Optic-ga

Xildhibaannada golaha wakillada Somaliland ayaa saaka soo dhigay mooshin
ay ku saxeexan yihiin 20 mudane  oo ku saabsan wax ka badalka xeerka is gaadhsiinta oo ay qeyb ka ahayd  kootadii internetka ee shirkada Somcable.

 

68 xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay wax ka badalka xeerkaasi halka  xildhibaan kaliyana ka diiday guddoomiyuhuna aanu codeyn, xeerkuna sidaa  ayuu ku dhaqan galay.

Wax-ka-badalka xeerkan ayaa fudaydin doona in shirkado badan oo  daneynayay inay dalka keenaan internet ay kusoo dhiiradaan maal-gashiga

Golaha Wakiillada Oo Cod Aqlabad Ah Ku Lalaalay Kootadii Shirkadda Somcable Loogu Xidhay Xadhiga Internetka Ee Viber Optic-ga

 

Golaha-Wakiillada-Oo-Cod-Aqlabad-Ah-Ku-Lalaalay-Kootadii-Shirkadda-Somcable-Loogu-Xidhay-Xadhiga-Inte… 2/5
Somaliland.

 

Si gaar ah Xildhibaannada beesha Habar Awal oo saaka xaadir ku wada ahaa  fadhiga golaha wakiillada ayaa hal daba la’a ugu coddeeyay in la laalo xeerkan  shirkadda Somcable kootada ugu xidhay xadhiga internetka ee Viber Optic-ga.

 

Shirkaddo badan ayaa la filayaa inay dalka keeni doonaan xadhiga internetka  ee Viber Optic-ga maadaama oo meesha laga saaray kootadii ay golaha  wakiillada Somaliland ugu xidheen shirkadda Somcaple.

Shacabka reer Somaliland ayaa baahi weyn u qabay inay helaan internet  xawaarihiisu sarrreeyo si ay ula jaan-qaadaan dunida.  Madax ka tirsan xisbiyadda mucaaridka ah iyo siyaasi xilala kala duwan ka soo
qabtay xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland, Aqoonyahanno.

 

Xildhibaanno ka kala tirsan labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida
ayaa hore si weyn ugu dhaliili jiray xeerka kootada ugu xidhay shirka
Somcaple xadhiga dhulka hoostiisa mara ee Viber Optic-ga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker